Deeq A. Posted June 22, 2019 Dhuusomareeb (SMN) – Faah faahinno dheeraad ha ayaa ka soo baxaya kulamo siyaasadeed oo xalay illaa saaka ka socda magaalada Dhuusomareeb ee xarunta gobolka Galgaduud. Kulamadan oo ahaa kuwa is daba joog ah ayaa waxaa garawadeen ka ahaa wasiirka arrimaha gudaha Xukuumadda Soomaaiya Cabdi Sabriye Maxamed. Warar hor dhac ah ayaa sheegayA in natiijo wax kool ah laga gaaray kulamadaasi, kuwaas oo ku aadan in dhawaan la qabto doorashada guud ee maamulkaasi. Xaaladda siyaasadeed ee Galmudug ayaa haatan yeelatay waji cusUb, iyadoo lagu soo warramayo Ahlu Sunna ay ay soo dhaweysay dadaalka ay wado dowladda Soomaaliya. Muddooyinkii la soo dhaafaywaxaa cirka isku sii shareerayay khilaafka maamukaasi, kadib markii XFS ay shaacisay xilliga la qabanayo doorashada maamulkaasi. View the full article Share this post Link to post Share on other sites