Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Magacyada labada siyaasi ee ay ku socotay digniintii DF ay soo saartay?

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa khamiistii ku hanjabtay in ay tilaabo ka qaadi doonto shaqsiyaad ay ku eedeysay in ay waddaan falal lidi ku ah hanaanka dowladnimada Soomaaliya.

Shaqsiyaadkan oo aan magacyadooda la shaacin ayaa la sheegay inay ku lug leeyihiin garabsiinta dad uu damac kaga jiro dhulka iyo badad Soomaaliyeed.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in digniintan ay ku socoto madaxweynayaasha Galmudug iyo Jubaland, Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo Axmed Madoobe, oo la rumeysan yahay inay Kenya ku xiran yihiin.

Axmed Madoobe ayaa la rumeysan yahay inay Kenya ku hayso Jubaland, islamarkaana wax walba oo ay damaacsan tahay uu ku gacan siinayo maadaama ay sidoo kale horey u lahayd qorshihii lagu dhisay Jubaland.

Dhinaca kale, Xaaf ayaa dhowaan la saftay Kenya isaga oo ku baaqay wada-hadal dhex-mara Kenya iyo Soomaaliya, si xal looga gaaro xiisadda ka dhex oogan labada dal ee ka dhalatay badda Soomaaliya ee Kenya ay sheeganeyso.

Xaaf ayaa madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku eedeeyey gef siyaasadeed iyo fidinta akhbaar aan sax ahayn, taasi oo sababtay inuu xumaado xiriirka Soomaaliya iyo dalalka deriska la ah, sida uu sheegay.

Digniinta dowladda ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka ah cabsi gelin ka dhan ah labadan mas’uul, xilli ay isku hayaan doorashooyinka madaxweynaha Jubaland iyo Galmudug oo dowladda ay dooneyso inay kusoo baxaan rag ay wadato.

Axmed Madoobe iyo Xaaf ayaan wax jawaab ah ka bixin hanjabaadda dowladda, lamana filayoo sida aan xogta ku helnay, maadaama aan si toos ah loo magacaabin.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this