Sign in to follow this  
Deeq A.

Badhan: Hoggaanka Dhaqanka gobolka Sanaag oo daba-geliska u siibay maamulka Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   
4-17.jpg?w=1000&ssl=1Shirka ayaa oo xirmay Jimcii shalay

Shir weyne mudda ku dhow laba todobaad magaalada Badhan ee gobolka Sanaag uga socday, hoggaanka Dhaqanka beesha u badan gobolkaasi oo shalay soo xirmay, ayaa laga soo saaray go’aanno masiiriya oo ku saabsan sheegashada Somaliland ee degaannada beelweyntaasi.

Bayaan ka soo baxay shirka oo ka kooban saddex qodob, ayaa lagu caddeeyay in bulshada u badan gobolka Sanaag ee shirka qabsatay, aysan ka tirsaneyn waxna ku darsan maamulka Somaliland ee ka taliya gobollada Waqooyi Galbeed Soomaaliya, islamarkaana aysan jirin cid ku matasha Somaliland.

Waxaa kale oo bayaanka lagu caddeeyay, in beelweynta shirka qabsatay ay u taagantahay, ilaalinta midnimada iyo wadajirka umadda Soomaaliyeed, ayna si buuxda uga tirsantahay dowladda Puntland oo beeshu wax ka dhisatay, ayna xubno matala ku leedahay golayaasha Puntland.

Bayaanka ayaa ku baaqay, in bulshada ku abtirsata magaca beelweynta shirka qabsatay, ay adkaystaan midnimada iyo isku’ duubnidooda, meelna uga soo wada’jeestaan difaaca dhulkooda ay lagaga soo duulay Hargeysa.

Beesha ayaa dowladda Puntland ugu baaqday, in ay gudato waajibka ka saaran ilaalinta iyo difaaca gobolka Sanaag oo maamulka Somaliland uu ku soo qaaday duullaan qaawan sida bayaanka loo dhigay.

Halkaan hoose ka akhriso bayaanka oo dhan

1-21.jpg?w=1000&ssl=1 2-20.jpg?w=1000&ssl=1 3-19.jpg?w=1000&ssl=1 4-16.jpg?w=1000&ssl=1 5-15.jpg?w=1000&ssl=1
  • 1-22.jpg?w=1000&ssl=1
  • 2-21.jpg?w=1000&ssl=1
  • 3-20.jpg?w=1000&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Badhan: Hoggaanka Dhaqanka gobolka Sanaag oo daba-geliska u siibay maamulka Somaliland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this