Sign in to follow this  
Deeq A.

Raadraaca Sooyaalka 18-ka May Qaybta 17’aad

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweyne Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, AHN, sidii aynu soo xusnay waxa uu sameeyey waxyaalo aanu qaran kastaa ka maarmi karin oo astaamo iyo baadisooc u ah. Markii uu madaxweynaha noqday wax waliba waxa ay ahaayeen ku-meel-gaadh ama waa ay maqnaayeen.

Waxa uu sameeyey lacag (shilinka Somaliland), waxa rasmi ka dhigay oo ku-meel-gaadhnimadii ka saaray oo uu sameeyey calan cusub, heestii qaranka iyo astaamihii kale qaranka oo idil. Qodobka 7aad ee dastuurka Somaliland oo ansixintiisa lagu dhawaaqay, Arbaca 13/06/2001 markii afti loo qaaday ee 97% oggolaadeen waxa uu qeexayaa calanka, astaanta iyo heesta qaranka.

Waxa kale oo is qodobkaasi tilmaamayaa in wax-ka-beddelka ama beddelaadda calanka, astaanta iyo heesta calanka uu jidaynayo go’aan Golaha Wakiillada ka soo baxa.

18-ka May oo loo aqoonsan yahay maalinta madaxbannaanidu meelna kaga qorna distoorka, waxana muddooyinkii dsmbe soo baxayey dhawaaqyo ku saabsan maalintaas 18-ka May iyo xuskeeda. Dad kala duwan ayaa qaba in maalintaasi barabixisay maalintii xornimada laga qaatay Ingiriiska ee 26-ka Juun.

Maalintan lagama weyneeyo Somaliland sida loo weyneeyo 18-ka May. Halkaas ayaa dhawaqu ka soo jeedaa. Prof Axmed Ismaaciil Samatar ayaa 2015 arrintaas soo hor dhigay shirka Jaaliyadda Somaliland ee Yurub ku qabatay magaalada Stockolm ee dalka Sweden.

Dooddaasi waa ay sii socotay ilaa haddana waa ay taagan tahan oo dad badan ayaa qaba in 26-ka Juun noqoto maalinta weyn ee madaxbannaanida Somaliland loo faltansiyeeyo, 18-ka Mayna maalin kale oo la soo noqoshadii madaxbannaanida lagu xusuusto.

Dadka sidaas qabaa waxa ay ku doodaan in 26-ka Juun ay dhashay oo ka weyn tahay 18-ka May, hooyana u tahay, oo aanay ahayn in ilmaha yari uu hooyo ku caasi garooba amaba uu liqo oo hadheeyo. Waxa kale oo ay ku doodaan in 18-ka May aanay dadka Somaliland ku dhaqan isku si uga dhaxayn si la mid noqon karta sida aan loo kala sheegan karin 26-ka Juun.

Dadkaasi waxa dooddooda u cuskadaan in aanay 26-ka Juun dadka kala qaybin ee ay weel wax ku wada wadaajin karto, halka 18-ka May dadka kala qaybiso.

Hase yeeshee Cabdillaahi Cabdi Xaaji Cumar oo ka mid ahaa madaxdii SNM ee shirkii Burco wax ka maamuleysey ayaa tilmaamay in aan shirkaas oo go’aankiisu soo baxay 17/05/1991 lagu soo qaadin wax la yidhaa 18-ka May.

Isaga oo Jawaan taas ka hadlaya axdigii ku dhawaaqa Somaliland oo uu goobjoog ka ahaa ayaa yidhi, “waxa Axdigii Burco ee May 1991 ku jirey in maalinta 26 Juun ay noqoto maalinta qaranka ee loo samaynayo dabbaaldegga weyn ee nashada qaran “National Holiday” ee fasaxa yeelanaysa.

17-ka May oo ah maalinta la soo celiyey madaxbannaanida in iyana loo sameeyo xus fudud oo ah guusha la gaadhey iyo qarannimada la soo celiyey dhiirrigelinaysa oo fagaarayaal khudbado laga jeediyo”.

Cabdillaahi Jawaan waxa uu yidhi, “18-ka May waxba looma qoondayn. Waxa ay ahayd maalintii ay dadweynuhu soo baxeen ee go’aamada, naguna taageereen. Waxa aan xusuustaa nin naga soo horjeeddey oo ka mid ahaa qolyihii lahaa yaan dalka kala jarin, iyada oo cadceedku kulushahay oo aad mooddo Yoomal Qiyaamihii oo dadkii oo dhami soo bannaanbaxay, ayuu dhabanka iyo gacanta isa saaray oo uu calaacalay.

Aniga ( Cabdillaahi Jawaan) iyo Prof Maxamed Yoonis oo ka dambayna ayuu nagu soo jeestey oo nagu yidhi, ‘horta waa aad naga rayseen oo ummaddii baa idin raacday oo idiin hiilisey. Bal se waxa aan eegayaa bal in 17-ka May ay tahay maalin nasiib wacan iyo in ay tahay maalin xun’. Waa uu kaftamayoo, waxa uu yidhi, waa aan faalinayaa’!

17 kii buu sagaal tuuray oo siddeed baa soo hadhoo waa ‘LUCKY’ buu yidhi. Bal ‘midh’ ku dar buu yidhi oo 18 ka dhig. ‘18 kii sagaal tuur, maxaa hadhay? Waxa hadhay sagaal. Waxa uu yidhi ‘sagaalkaana tuur’. Waxa uu yidhi ‘waa madhan. Madhantaas baannu ugu xuddun xidhnay, wax ay noqonaysaa ma jirto oo waa sifir’!! Waa Xuseen Saalax Muuse waxba qarin maayo’e, isaga oo Muqdisho jooga ayaa iigu dambeysey, in uu nool yahay iyo in kalena garan maayo”.
17 – 9 = 8, sagaal kale kama sii go’i karo.
17 + 1 = 18 – 9 = 9 – 9 = Madhan!!

Cabdillaahi waxa uu ku adkaystay oo yidhi, “Axdigii ku-meel-gaadhka ahaa ee dalka lagu maamulayey 17 May 1991 – 16 May 1993 meelna kagama taallo in 18-ka May, garanna maayo meel laga keenay iyo goor la beddeley. Labadii sano ee SNM dalka maamulaysey waxa la xusay 26-ka Juun”.

La soco qaybta 18aad, HAI, oo ku saabsan bilowgii dagaalladii habar habar ama munaafaqadda.

Maxamed Baashe Xaaji Xasan

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this