Sign in to follow this  
Deeq A.

Is bar bar dhiga xubanaha beesha Garxajis kaga jira xukumadda Muuse Biixi iyo tii Siilaanyo Laba kala haaba

Recommended Posts

Deeq A.   
golaha-300x200.jpg

 

Tan iyo todobaadkani markii aanu baahaniyay xubnaha ka soo jeeda beesha West Burco Clan ee ku jira xukumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxa aad noogu soo noqday fal celin aad u balaadhan taasi oo meesha ka saartay wax wada lahaanshihii iyo is aaminkii, waxana ay tageerayaasha Muuse Biixi ku doodeen in tii Siilaanyo ay ka sii darnayd oo ay tahay in aan taasna Isla eegno.

Hadaba xilalka Waraabo u taaga ah ee uu madaxweyne Muuse Biixi ku miisay beesha West Burco Clan ee ku jira xukumaddiisa, waxa aynu garab dhigaynaa xilalkii uu madaxweynahii hore ee Somaliland siiyay beesha West Burco Clan halkani hoose ka akhriso, xaga ka sii hoosaysana ka akhriso kuwa madaxweyne Muuse Biixi uu hada siiyay, marka la is bar bardhigay waxa soo baxday in ay yihiin kaaf iyo kala dheeri

Xukumadii Siilaanyo xilalkii ay u hayn jireen beesha West Burco Clan

1 Wasiirka arimaha gudaha
2 Wasiirka xanaanada xoolaha
3 Wasiirka warfaafinta
4 Wasiirka deegaanka
5 Wasiirka Caafimaadka
6 Wasiiru dawlaha maaliyada
7 Wasiiru dawlaha madaxtooyada
8 Wasiiru dawlaha biyaha
9 Wasiir ku xigeenka arimaha dibada
10 Wasiir ku xigeenka qorshaynta
11 Wasiirka Kaluumaysiga iyo dekadaha
12 Hay’ada ICT
13 Wakiilka Itoobiya
14 Wakiilka Shiinaha
15 Garyaqaanka guud ee Qaranka
16 Wasiir ku xigeenka qorshaynta
17 Wasiiru dawlaha macdanta
18 Wasiir ku xigeenka qorshaynta
19 Taliyaha ciidanka bada
20 Taliyaha laanta socdaalka
21 Agaasimaha guud ee duulista iyo hawada
22 Hogaanka Hawlgalinta ciidamada qaranka
23 Agaasimaha guud ee hay’ada shaqaalaha
24 Badhisaabka gobolka Gabiilay
25 Badhisaabka gobolka Gabiilay
26 Badhisaab ku xigeenka gobolka Saaxil
27 Agaasime waaxaadka arimaha gudaha
Waxa jiray agaasimo waxeedyo dhowr ah iyo xilal aan halkani lagu soo koobi karin oo aan qaybta labaad ku soo dari doono

Xagan hoosena ka akhriso hadaba xilalka Waraaba u taaga dawlada Muuse Biixi,

1 Wasiirka deegaanka
2 Wasiirka ciyaaraha
3 Badhisaab ku xigeenka gobolka Saaxil
4 Agaasimaha wasaarada warfaafinta
5 Badhisaabka gobolka Togdheer
6 Afhayeenka madaxweynaha
7 Lataliyaha madaxweyanaha ee arimhaha naafada
8 Taliyaha ilaalada madaxtooyada
9 Wakiilka Somaliland ugu qoran dalka Shiinaha
10 Gudoomiyaha Baanka

Ciidagale

1 Wasiirka waxbarashada
2 Wasiir ku xigeenka arimaha gudaha
3 Wasiir ku xigeenka maaliyada
4 Agaasimaha wasaarada biyaha
5 Agaasimaha wakaalada hawlaha guud

Isaxaaq
1 Gudoomiyaha hay’ada shaqaalaha (Laba bilood hada xulkaasi haya)

2 Gudoomiyaha hay’ada ICT. (Siilaanyo kaga tagay)

Muuse Care

1 Badhisaabka gobolka Hawd
2 Masuul ka tirsan hay’ada quality control
3 Wakiilka Somaliland u jooga Itoobiya

 

 

La soco sida loo kala haysto qandraasyada Qaranka Iyo warbixin xassasi ah iyo cida u badan shaqaalaha dawlada ee lagu naas nuujiyo inaga oo is full taagi doona wasaarada maaliyada oo ay ka hawl galaan dhowr boqol dadka Garxajiska ah ee u shaqo tagaana ay yihiin faro Ku titis.

 

Sad bursiga Iyo cadaalad darida marna ha ku sifayn xurguftii doorashada oo dhamaatay

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this