Sign in to follow this  
Deeq A.

Degmooyinka gobolka Nugaal oo hirgelinaya sanduuq dhaqaale

Recommended Posts

Deeq A.   

Shirka xoojinta wada-shaqeynta degmooyinka gobolka Nugaal ee dhinacyada adkaynta amniga iyo horumarka ka socda gobolka oo ay ka soo qayb-galeen guddoomiyaasha degmooyinka Nugaal ayaa lagu qabtay degmada Dangoroyo ee gobolka Nugaal.

Kulanka oo uu shir-guddoominayey guddoomiyaha gobolka Nugaal Cabdisalaan Xassan Xirsi (Gu’jir) ayaa waxaa ka soo qeyb-galay duqa caasimadda Garoowe iyo guddoomiyaasha degmooyinka Eyl Dangoroyo iyo Godobjiraan waxaana looga hadlay xoojinta wada-shaqeynta degmooyinka gobolka Nugaal iyo adkaynta amniga iyo horumarka degmooyinka Nugaal.

Shirka waxaa ka maqnaa guddoomiyaha cusub ee sida ku meel gaarka ah loogu magacaabay degmada Buurtinle kaasi oo aan weli xilka la wareegin kadib markii guddoomyihii ka horreeyay ku baxay kala-diristii golaha degaanka degmada Buurtinle.

Sida lagu sheegay war-murtiyeed ka soo baxay shirka oo uu warbaahinta u akhriyay duqa caasimadda Garoowe Axmed Siciid Muuse waxaa la isku raacay qodoba ay kamid yihiin:

  1. In shirka laga dhigo mid saddexdii biloodba mar la qabto si la isaga xog-waraysto xaaladaha ka jira degmooyinka gobolka.
  • In la sameeyo sanduuq dhaqaale oo ay leeyihiin degmooyinka gobolka Nugaal si loogu qabto hawlaha horumarinta degmooyinka gobolka .
  • In la ilaaliyo degaanka iyadoo bulshada lagu wacyi-gelinayo in ay ilaaliyaan degaanka si looga dhowro xaalufinta iyo nabaad-guurka.
  • In degmooyinka gobolka Nugaal ee aan mashaariicda badan ka fulin laga caawiyo dhinaca mashaariicda horumarinta islamarkaana degmooyinka aan ku jirin mashaariicda JPLG loogu qareemo sidii ay u heli lahaayeen mashaariicdaasi.

Ugu dambeyntii waxaa lagu ballamay in shirka kan xiga lagu qabto magaalada caasimadda ah ee Garooowe laguna sii amba-qaado hirgelinta qodobada ka soo baxay shirkaan.

  • IMG-20190621-WA0000.jpg?w=1000&ssl=1
  • IMG-20190621-WA0002.jpg?w=1000&ssl=1
  • IMG-20190621-WA0003.jpg?w=1000&ssl=1
  • IMG-20190621-WA0004.jpg?w=1000&ssl=1
  • IMG-20190621-WA0005.jpg?w=1000&ssl=1
  • IMG-20190621-WA0006.jpg?w=1000&ssl=1
  • IMG-20190621-WA0007.jpg?w=1000&ssl=1
  • IMG-20190621-WA0008.jpg?w=1000&ssl=1
  • IMG-20190621-WA0009.jpg?w=1000&ssl=1
  • IMG-20190621-WA0010.jpg?w=1000&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Degmooyinka gobolka Nugaal oo hirgelinaya sanduuq dhaqaale appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this