Deeq A. Posted June 21, 2019 Dhuusomareeb (SMN) – Iyadoo War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska madaxweynaha maamulka Galmdugu Axmed Ducaale Gelle (Xaaf) lagu mamnuucay in diyaarado sida wafdi la socda dowladda federaalka Soomaaliya ay ka soo dagaan Galmudug ayaa waxaa magaalada Dhuusomareeb gaaray wafdi uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya Mudane Cabdi Maxamed Sabriye. Wararka aan ka heleyno magaalada Dhuusomareeb ayaa sheegaya in markii hore gaadiid dagaal oo taabacsan madaxweyne Xaaf ay isku dayeen in ay carqaladeeyaan dhaq dhaqaqaaqa garoonka diyaaradaha magaaladaasi, si ay u hor istaagaan wafdiga wasiirka, hayeeshee waxaa arrintaasi ka soo horjeestay Ciidamada Ahlu Sunna Waljamaaca ee ku sugan halkaasi. Sidaas daraadeed waxaa meesha laga qaaday Ciidamadii Xaaf, iyadoona si nabad ah Wasiir Sabriye uu ku galay gudaha magaalada Dhuusomareeb. Booqashadan ayaa ku soo aadeysa, xilli dhawaan wasaaradaha arrimaha gudaha ay war ka soo saartay doorashada uu khilaafka ka jiro ee maamulka Galmudug. Halkan hoose ka daawo Sawirrada:- View the full article Share this post Link to post Share on other sites