Deeq A. Posted June 21, 2019 Addis Ababa (SMN) – Wafdigan uu hogaaminayo Wasiirka Duulista iyo Hawada Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Salaad Oomaar ayaa waxaa Garoonka Caalamiga ah ee Addis Ababa ku soo dhaweeyay Wasiirka Macdanta iyo Shidaalka ee Dowlada deeganka Soomaalida Eng Hamdi Axmed Omar iyo diplumaasiyiin ka tirsan Safaaradda Soomaaliyeed ee Itoobiya. Wafdiga uu Wasiir oomaar hogaaminayo oo ka kooban Xildhibaano, Fanaanii Abwaano iyo Masuul ka socota Xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa waxa ay ka qeybgaleen aaska Marxuum Abwaan Maxamuud Cabdullaahi Ciise “Sangub” oo dhawaan ku geeriyooday Addis Abba. Maanta ayaa Abwaanka lagu aasay Magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad deegaanka Soomaalida. Abwaan Maxamuud Cabdullaahi Ciise “Sangub” ayaa ka mid ahaa Abwaanada ugu weynaa taariikhda Umadda Soomaaliyeed isag oo sameeyay ruwaayado iyo heeso badam oo can ka ah Dalka. Alla ha u naxriistee Abwaan Maxamuud Cabdullaahu Ciise(Singub) ayaa taariikh fcaweyn ku leh Soomaaliya,gaar ahaan wacyigelinta bulshada,iyadoo loo marayo dhinaca fanka, Hidaha iyo Dhaqanka. View the full article Share this post Link to post Share on other sites