Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiye Mursal oo kormeerey xarunta KMG cusub ee Golaha Shacabka.

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha golaha shacabka ee BJFS oo ay wehliyaan Guddoomiye kuxigeenka 1-aad ee golaha shacabka,Xildhibaano iyo Xoghayaha guud ee golaha iyo sidoo kale Safiirka Dowladda aynu walaalaha nahay ee Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kormeeray Xarunta kmg ah ee Golaha shacabka ee dhawaan dhismahaheeda laga hir geliyay Xarunta guddoonka iyo gudiyada ee Villa Hargeysa.

Xubnaha guddoonka golaha Shacabka iyo Safiirka ayaa qeyb qeyb u kormeeray qeybaha ay xarunta ka koobantahay gaar ahaan hoolka ay ka dhici doonaan kulamada guud ee golaha iyo xafiisyada,waxaana xaruntan Oo ay dhistay shirkadda TIKA ay noqon doontaa mid si kmg ah uu goluhu ugu howlgalo  inta laga dhisaayo guriga Umadda oo dhawaan dib u dhis balaaran uu ka bilaaban doono.

Intaasi ka dib waxa ay yeesheen kulan looga hadlayay xoojinta iyo iskaashiga xiriirka walaaltinimo ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Turkiga gaar ahaan dar dar gelinta mashaariicda Walaalaha turkiga uu soomaaliya ku taageeraayo iyo sidoo kale ka taageerida golaha shacabka ee dhinaca sharci dejinta.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this