Deeq A. Posted June 21, 2019 Baydhabo (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax khasaaro geystay oo ka dhacay deegaanka Daynuunaay ee gobolka Baay, waxaana masuuliyadda qaraxa sheegtay Al Shabaab. Qaraxa oo ka dhacay duleedka magaalada Baydhabo, ayaa Al Shabaab waxay sheegeen inay la eegteen ciidamada ethiopia oo marayay deegaanka Daynuuneey, waxaana ay sheegeen inay ahaayeen kolonyo gaadiid ah oo wada socday. Ciidamada qaraxa lala eegtay ayaa ku sii jeeday degmada Buurhakaba ee gobolka Baay, iyaga oo kasoo dhaqaaqay magaalada Baydhabo, sida Al Shabaab ay sheegteen. Shan kamid ah ciidamada Dowladda Ethiopia ayaa la sheegay inay waxyeelo kala duwan kasoo gaartay qaraxa ka dhacay duleedka magaalada Baydhabo ee gobolka Baay. Ciidamadan ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay ka gaabsaday adeegsiga wadadaan, kadib markii dhowr jeer ay Al Shabaab kala kulmeen weeraro kala duwan, sida Al Shabaab ay ku baahiyeen baraha Internetka. Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka ciidamada Ethiopia ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ee ka socda Somalia inka badan 10 sano. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com Share this post Link to post Share on other sites