Sign in to follow this  
Deeq A.

Faah-faahin: Xubno Sahay u siday Daacish iyo Al Shabaab oo gacanta lagu dhigay

Recommended Posts

Deeq A.   

Boosaaso (Caasimada Online)-Ciidamada amaanka ee Puntland ayaa baaritaano ka sameeyay xaafadaha kala duwan ee magaalada Boosaaso ee gobolka Bari, halkaasi oo maalmihii ugu dambeeyay falal amni daro ay ka jireen.

Ciidamada ayaa baaritaankii ugu adkaa xalay ka sameeyay xaafado kamid ah magaalada Boosaaso, waxaana la arkayay iyaga oo dadweynaha qaar qabanaya inta uu howlgalka socday.

Ciidamada amaanka saraakiil u hadashay ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen ku dhawaad 7 ruux oo ka tirsan Al Shabaab iyo Daacish, kuwaasi oo ku sugnaa xaafadaha magaalada Boosaaso.

Taliyaha ciidamada PSF ee Puntland oo warbaahinta la hadlayay ayaa sheegay in ciidamada amaanka ay dadkaasi qabteen, sidoo kale wuxuu sheegay inay wadeen sahay uu sheegay in loo waday deegaanada dhanka Buuraha ah oo Al Shabaab iyo Daacish ku sugan yihiin.

Howlgalkan ayaa ku soo aadayaa  xili ciidamada amaanka maamulka Puntland ay habeen ka hor fashiliyeen qarax lagu aasay batamaha suuqa Magaalada Boosaaso.

Howlgalka oo dhacay habeenkii Khamiista 19-ka bishan ayaan la ogeyn inuu jiro khasaare ka dhashay inta ay socotay qabashada xubnahan Shabaab iyo Daacishka ah ee maamulka Puntland.

Caasimada Online
Xafiiska Puntland
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this