Sign in to follow this  
Deeq A.

Kaftan dhab noqon kara “Meeshaan yaa kuu ogolaaday”

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Ra’iisul wasaaraha dalka Xasan Cali Kheyre iyo taliyihii Nabad sugadda Qaranka Cabdullaahi Maxamed Sambaloolshe ayaa muddo kadib ku kulmay dhismaha safaaradda Ingiriiska ee Muqdisho.

Labada Masuul ayaa safaaradda kaga qeyb galayay dabaal daga dhalashada boqoradda UK ee Queen Elizabeth 2, waxaana ku sugnaa goobta masuuliyiin kale oo heysta baasaboorka dowladda UK.

Ra’iisul wasaaraha oo goobta lagu casuumay, ayaa markii uu gaaray wuxuu bilaabay inuu salaamo dhamaan dadkii goobta ku sugnaa, wuxuuna ka bilaabay Cabdullaahi Maxamed Sambaloolshe.

Markii uu xabadka gellinayay ayuu yiri hadal u muuqday inuu yahay Kaftan balse laga fasiran karo inuu dhab yahay “Meeshaan yaa kuu ogolaaday”.

Sambaloolshe ayaanan wax jawaab ah ka bixin hadalka ra’iisul wasaare Kheyre, waxaana hadalkaasi micno u yeelay in ra’iisul wasaaraha marka uu hadalkaasi yiri kadib inuusan lasii joogin Sambaloolshe oo uu kasii dhaqaaqay.

Waxay taasi macno kale u yeeshay hadalka ra’iisul wasaaraha, waxaana loo qaatay inuu ahaa hadal aanan kaftameyn aheyn, balse ka tarjumaya inuusan wali wanaagsaneyn xiriirka u dhaxeeya labada masuul.

Sanbaloolshe oo ahaa Xildhibaan kamid ah golaha shacabka ayaa kategey xilkaas kaddib markii uu qabtay xilka taliyaha hay’adda Nabadsugidda isaga oo markii xilkaas laga qaadayna isku deyey in uu u tartamo booskiisii golaha shacabka hayeeshee kuma guuleysan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this