Sign in to follow this  
Deeq A.

Somalilan-neey, Gar Qaado oo Beesha Gabooye Dulmiga Ka Daa. Hadaanad “Cunsuri” Ahayn, Indhaha Ka Lalin-maysid…….

Recommended Posts

Deeq A.   
1561069197733blob.png

 

Somalilan-neey, Gar Qaado oo Beesha Gabooye Dulmiga Ka Daa. Hadaanad “Cunsuri” Ahayn, Indhaha Ka Lalin-maysid Maqaalkan.

Umad ahaan, ma nahay cusuriyiin ?! Ha ka boodin su’aashan, hana ku boodin jawaabteeda, ee bal ha kuga yar duxdo, laabta u daadaji oo is qiimee qof ahaan, adoo degan. Waxaa kuu soo bixi jawaab aad u xanuun badan. Ilaahay baynu ka magan galnay cunsurinimada.

Nigger, Cabiid, waa erayada reer Somaliland looga yaqaano daafaha dunida badankiisa. Inaga iyo inta diirka madow inala wadaagta. Waa erayo la inoogu sheegayo in aynu ka hoosayno dadka diirka cad, oo aynaan dad ahaan sinayn, gaadhi Karin, lana xuquuq ahayn. Dadka diirka cad waxaabay caruurtooda ku ababiyaan, oo ay rumaysan yihiin in qofka madow, waxa kaliya ee Ilaahay aduunka u keenay ay tahay in uu u adeego qofka cad. Iyadoo inteena qurbo joogta ah: Gabooye iy beelaha kaleba, aynu ka simananahay takoorkaa xanuunka badan, ayey hadana beesha Gabooye ay taa mid la mid ah ku haysataa wadankeena Somaliland.

Dulmiga Gabooye lagu hayo, hadaan si kooban isu dul taago: waa quudhsi, hoos u eegid, yasid, tixgalin la’aan iyo iyaga oo aan waxbaba la iskaga tirin, Hada in ay jiraan iyo in kaleba, cajiib. Tusaale kooban, qof kasta oo inaga mid ahi wuxuu ku abtirsadaa beel; bal ka sheekee sida uu qalbigu ku noqon lahaa, haddii Somaliland iskuwada raacdo in beeshaadu aanay helin wasiir, xildhibaan gole degaan, gole baarlamaan, agaasime wasaaradeed, gudoomiye gobol i.w.m. Walaalayaal,taas ayaa Beehsa Gabooye ku haysata Somaliland, waana wax xaaraan ah oo aan la aqbali Karin, in beelna loola yimaado edebdarada noocaas oo kale ah.

Waxaa hadaba wax lala yaabo ah, Somaliland oo maanta aduunku yeso oo laga hortaagan yahay in ay hesho cadaalad iyo xuquuq ka maqan, in ay iyadii dhexdeeda iska duudsido xuquuqdaa iyo cadaladaa ay caalamka ka tabayso oo beesha Gabooye xaqoodii indhaha laga laliyo. Subxaanaka yaa cadiim. Waxaa hubaal ah, inta aynu dhexdeena isdulmayno, in dulmiga inaga haysta aduunwaynuhu uu jirayo, wanaaga aynu aduunka ka rajaynaynona uu meel dheer saran yahay. In Cid, inaga mid ahi sheegato in ay xuquuq bixiso, ku kale oo inaga mid ahina xuqquq ka doono shaqsi la mid ah, waa doqonimo aan loo dul qaadan karin . Walaalkaa ood quudhsi iyo takoor u badheedhaa, waxay la mid tahay adigoo dilay oo hadana uu wali kula joogo.

Iyadoo hubaal, biseylkeeda la gaadhi doono wakhti aan fogayn, in beesha Gabooye xaal marin heer qaran ah, oo aan afka uun ahayn la siiyo, oo Misaaniyadda qaranka loogu daro lacagow magdhaw ah, oo lagu soo kobciya beesha, ayey maanta ay lagama maarmaan tahay in ay helaan waxay ay xaqa ugu leeyihiin dawladda Somalailand ee kaga maqan. Dawladdan maanta joogtaa, iyadoo xataa garowshiiyo u quudhi la’ beeshan ayey hadana ka xishoon wayday in marba damaqdo dareenka beeshan.

Umadda Gabooye,waxaa la gudboon in haddii samirkii, dulqaadkii iyo walaaloo-gii waxba soo goyn waayeen, in aad ku eegtaan sifo kasta oo aad ku kasban kartaan xaqiina. Walee, kali ku noqonmaysaan halgankiina xalaasha ah wakhtigan. Nina ma gayo, in uu nin la mid ah xuquuq iyo cadaalad waydiisto. Waa muqadas in aad heshaan waxa idinka maqan. Meesha ma taalo in aad xuquudiina cidna ka baridaan. Waa in aad doonataan. Xuquuqda ban’aadanimo waa mid Ilaahay ina wada siiyey oo aynu uga siman nahay. In nin sheegto in uu xuquuq bixiyo, midna loo arko in uu xuquuq ka doono shqsi la mid ah, waa wax xaraan ah, oo aan la aqbali karin. Mana aha Meesha Somaliland yoolkeedu yahay.

Somaliland-neey toos oo u heeli walaakaaga dulman, adna Ilaahay baa kuu hiilin doonee.

Alahayow naga badbaadi aqoondarda iyo aafooyinka takoorku leeyahay. Aamiin

rizakj@yahoo.com

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this