Sign in to follow this  
Deeq A.

Dawladda Ingiriiska Oo Joojinaysa Hubka Ay Ka Iibiso Sacuudiga

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-London)-Dowladda Britain ayaa ku dhawaaqday inay joojin doonto ruqdasaha ay hubka kaga iibiso Boqortooyada Sacuudi Carabiya, kaddib marki ay Maxkamadda Racfaanka Ingiriiska amar ku bixisay in dowladda ay dib uga fiirsato arrintan.

EFB0D920-0AA5-4A65-805D-9D7779351802_w10

Qaadiga Maxkamadda Racfaanka Britain, Terence Etherton ayaa sheegay in Dowladda Britain ay jebisay sharciga kaddib marki ay ku guul-darraysatay in ay si hufan u qiimeyso in hubka ay ka iibisay Boqortooyada Sacuudiga lagu waxyeelleeyay dadka rayidka ah ee Yemen iyo in kale.

Xoghayaha Ganacsiga Caalamiga ah ee Britian Liam Fox ayaa go’aanka joojinta hubka uu Ingiriiska ka iibiyo Sacuudiga maanta uga dhawaaqay gudaha baarlamaanka. Laakin wuxuu sheegay in dowladda ay racfaan ka qaadan doonto go’aanka Maxkamadda.

Xakunka Maxkamadda Racfaanka ayaa qeyb ka ah dagaal dhinaca sharciga ah oo ay bishii December ee sannadki 2015-ki soo billowday hey’adda la dagaalanka ka ganacsiga hubka ee fadhigeedu yahay Ingiriiska.

Hey’addaan ayaa ugu danbeyntii dowladda Ingiriiska uga guuleysatay dagaalkaasi dhinaca sharciga ah ee ku saabsanaa in aysan dowladda Britian wax hub ah ka iibin Sacuudiga.

Tan iyo sanadki 2015-ki, Ingiriiska ayaa Sacuudiga ka iibiyay hub qiimahiisu gaarayo shan milyan iyo afar boqol oo kun oo doollarka Mareykanka ah.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this