Sign in to follow this  
Deeq A.

Xaaf oo sheegay in dadkii Gaalkacyo lagu laayay ay dileen askar ka tirsan ciidamada Xoogga dalka

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Dhuusamareeb kadib socdaal qaatay muddo todobaad ah oo uu ku gaaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee Ugaas Nuur ee magaalada Dhuusamareeb, Gudoomiyaha Barlamaanka, Shiikh Ismaaciil Cabdulle; Madaxa Xukuumadda Sheikh Maxamed Shaakir Cali; iyo qaar kamid ah xubnaha labadda gole ee dowladda. Shar-jaraa,id ayeyna si wadajir ah ugu qabteen Aqalka madaxtooyada DG Galmudug.

Madaxweynaha xaaf ayaa ka warbixiyey guulihii safarkii Nairobi iyo arrimo badan oo xasaasi ah. Mar uu ka hadlayey arrinta Galmudug iyo warqadii dhawan ka soo baxday wasaaradda Arrimaha Gudaha wuxu yiri:

Galmudug mahan State cusub, sharci bay leedahay, Dastuur bay leedahay, nidaam bay leedahay madax bey leedahay, Caasimadeedii bay joogtaa, in lagu xad-gudbo oo la yiraahdo hadda ayaa doorasho loo qabanaa aad ayaa uga xumahay”.

Dhinaca kale wuxuu ka hadlay dhacdadii lagu laayay dadka shacabka ah eek a dhacday koonfurta magaalada Gaalkacyo isagoo sheegay in askarta wax laayey ay ka tirsanaayeen ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya” militari ayey ahaayeen, marka 10 nin oo xoogga dalka ah, oo Xamar laga xukummo, innaga nagama amarqaataan, cid kasta waan u sheegeynaa, haddii ay dambi galaan, cidda amarka ku leh ayaa qaban karta ee annagu ciidankeenna xaq uma laha iney wax ka qabtaan”.

Halkaan hoose ka daawo shirkiisa jaraa’id

PUNTLAND POST

The post Xaaf oo sheegay in dadkii Gaalkacyo lagu laayay ay dileen askar ka tirsan ciidamada Xoogga dalka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this