Sign in to follow this  
Deeq A.

Xukuumadda Oo Shirkad Gaar Ah Qandaraas Ku Siisay In Dhammaan Maraakiibta Iyo Doonyada Ku Soo Xidha Dekedda Berbera Ay Hub Ka Baadho +Xadiga Lacagta Ay Ka Qaadayso Iyo Maraakiib Ku Xayiran Dekedda

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Berbera)-Xukuumadda Somaliland ayaa la sheegay in shirkad gaar loo leeyahay ay ku siisay Qandaraas in dhammaan maraakiibta iyo doonyada ku soo xidha dekedda Berbera ay ka baadho hub.

Markabkasta waxa laga qaadayaa $ 3,500 halka mar ee uu dekedda ku soo xidho.

Arrintan ayaa debadda u soo baxday kadib markii markab ku xidhan dekedda uu diiday in uu bixiyo lacagtaasi kadibna maareeyaha dekedda ayaa ka codsaday maxkamadda gobolka Saaxil in ay xayirto markabkaasi.

Maxkamadda ayaa qoraal ay soo saartay ku xayirtay markabka ilaa amar danbe ka soo baxaayo.

Shirkadda ayaa lagu magacaabaa Somaliland documentation and Control declared, Accounka lacagta loogu shubayana waxa ku qoran Somaliland Maritime Security Organization.

Lacagta ayaa ku dhacaysa Bangi ku yaalla waddanka Jabuuti.

Weli ma cadda cidda leh shirkaddan iyo maamulkeeda.

1-5.jpg 2-4.jpg 3-2.jpg 4-2.jpg

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this