Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo digniin u dirtay wasiirada maamulkaasi

Recommended Posts

Deeq A.   

Garowe (SMN) – Wasiirka Maaliyadda Puntland Xasan Shire Cabdi (Abgaal) oo maanta la hadlay Warbaahinta ayaa digniin u diray qaar ka mid ah wasiirada maamulkaasi.

Wasiir Abgaal ayaa tilmaamay in wasaaradaha qaar aysan illaa iyo haada bixin Canshuurtii ku waajibtay.

Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray haddii ay ka dhaga adeegan digniintay uu dacwad u gudbin doono  xeer ilaaliyaha iyo hanti dhowrka guud ee Puntland.

Sidoo kale waxa uu carabka ku dhuftay in hay’adaha kale ee madaxa banaan uu ka gudbin doono dacwad, haddii aysan si deg deg ah ku bixin Canshuurta laga rabo.

Dhanka kale wasiirka Maaliyadda Puntland oo hadalkiisa sii wata ayaa ku amnray in hay’adaha kale ee madaxa banaan in ay si deg deg ah ku bixiyaan Canshuurta laga rabo.

Muddooyinkii la soo dhaafay Puntland ayaa waday qorshe guud oo kor loogu qaadayo Canshuuraha laga qaado deegaanada maamnulkaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this