Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Ku Xigeenka Iyo Wafigii Uu Hoggaaminayey Oo Kulan La Qaatay Dhalinyarada Iyo Aqoonyahanka Gobolka Awdal.

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Boorama)-Madaxweyne ku ixgeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) iyo waftigii uu hoggaaminayey ee hawlaha shaqo u joogay Gobolka Awdal ayaa kulamo kala duwan la qaatay Laamaha Dawladda ee heer Degmo iyo heer Gobol, Sidoo kalena qeybaha kala duwan ee Bulshada ayey la kulmeen.

64820417_2230969103683597_53217732835976

Madaxweyne ku xigeenka iyo wafigiisu waxay Xalay Kulan balaadhan la qaateen dhalinyarada iyo aqoonyahanka Gobolka Awadal, shirkaasi oo ka qabsoomay Hotel Saw ee Magaalada Boorama, waxaa lagaga wada hadlay Horumarinta Gobolka iyo sidii ay dhalinyaradu uga qeyb qaadan lahaayeen mashaariicda horumarineed ee gobolka.

Wasiiradda Wasaaraddaha Beeraha, Axmed Muumin Seed, Ganacsiga Warshadaha iyo Dalxiiska Maxamuud Xasan Sacad (Saajin) oo kulankaasi ka hadlay ayaa dhalinyarada ku bogaadiyey hannaanka wanaagsan ee ay uga soo qeyb galeen kulanka, waxaana ay sheegeen in loo baahan yahay in dhalinyaradu kaalin mugleh ku lahaato horumarinta Gobolka Awdal maadaama ay yihiin mustaqbalka berrito hoggaamin doona Waddanka.

Madaxweyne ku ixgeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), oo isagu ugu danbayntii ka hadlay kulaankaasi ayaa sharraxaad ka bixiyey awooda dhalinyarada, qaabka ay uga faa’idayn karaan qarankooda iyo gobolkooda, waxaana uu Madaxweyne ku xigeenku dhalinyaradii halkaasi joogtay u sheegay in la joogo wakhtigii aqoonta wax loogu tari lahaa guud ahaan qaranka iyo gaar ahaan gobolka, loona baahan yahay in dhalinyaradu kaalin mugg leh ka qaataan mashaariicda horumarineed iyo midnimada ummadda reer Somaliland.

Dhalinyaradii kasoo qeyb gashay kulankaas ayaa Madaxweyne ku xigeenka iyo Waftigiisa uga mahad celiyey kulankaasi oo ay sheegeen inuu ahaa mid loo baahnaa ka dhalinyaro ahaana ay markasta danaynayaan kulamada noocaasi ah, waxa ay Madaxda ku bogaadiyeen dhiiri-gelinta iyo maamuuska ay maamuuseen, waxaana halkaasi ay ku waydiiyeen su’aalihii ay qabeen dhalinyaradu iyagoo usoo bandhigay qaab aqooni ku dheehan tahay, Madaxweyne ku xigeenka ayaa isna mid mid uga jawaabay su’aalihii la waydiiyey waxaana uu fadhigaasi kusoo dhammaaday jawi wanaagsan oo is afgarad.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this