Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiir Cawad oo shir uga qeyb galay Addis Ababa

Recommended Posts

Deeq A.   

Addis Ababa (SMN) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiha, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa ka qeybgalay kulanka gaarka ah ee 68-aad ee Golaha Wasiirrada IGAD oo ka furmay shalay Caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa.

Sidoo kale waxaa ka qeybgalay Wasiirrada Arrimaha Dibadda Itoobiya, Jabuuti, Kenya, Koonfurta Suudaan, Suudaan iyo Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda ee Uganda.

Wasiirrada Arrimaha Dibadda wadamada xubnaha ka ah IGAD waxa ay ka doodeen xaaladda Suudaan iyo horumarka laga gaaray howlaha taabagelinta dib u noolaynta geedi socodka Koonfurta Suudaan.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this