Sign in to follow this  
Deeq A.

Kenya oo dambi ku heshay rag loo heystay weerarkii Jaamacadda Gaarisa

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (Caasimada Online)-Maxkamad ku taala magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa waxaa shalay kasoo muuqday afar ruux oo loo heystay inay qeyb ka ahaayeen weerar Al Shabaab Labadii April ee sanadkii 2015 ka geysteen Jaamacadda Gaarisa.

Francis Andayi oo ah garsooraha maxkamadda magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa shaaciyay in seddex kamid ah eedeysanayaasha lagu helay dambiga loo heystay oo ahaa inay qeyb ka ahaayeen weerarkii ka dhacay jaamacadda magaalada Gaarisa.

Maxkamadda ayaa siideysay Sahal Diiriye Xuseen oo lagu waayay dambiga,waxa lagu helayna ahayd in uu la joogay mid ka  mid ah Ragga weerarkaas loo heysto, sidaasna lagu soo xiray.

Dhamaan Afartii Nin ee fulisay Weerarkii Gaarisa ayey dowladda Kenya sheegtay in ay isla Jaamacadda ku dhinteen halkaas oo ay ku dhinteen 148 qof oo Ardey u badan.

Garsooraha Maxkamadda Nairobi, Francis Andayiwaxa uu amray in saddexda Eedeysane lagu sii hayo Xabsiga, inta laga gaarayo bisha soo socota ee July 3-da, xilligaasi oo lagu dhawaaqi doono Xukunkooda.

Al Shabaab ayaa ardaydii ugu badneyd ku dilay jaamacadda magaalada Gaarisa ee dalka Kenya sanadkii 2015, waxaana la sheegayaa inay ahaayeen ardaydii ugu badneyd ee lagu dilay dalka Kenya.

Caasimada Online
Xafiiska Kenya
Caasimada@live.com

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this