Sign in to follow this  
Deeq A.

Cusmaan Barre oo isbaheysi la sameysanaya DF & kulan ka dhacay Villa Somalia

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Guddoomiyaha baarlamaanka maamulka Hirshabeelle oo maalmihii ugu dambeeyay ku maqnaa Boqortooyada Sacuudiga ayaa dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, waxaana uu kadib kulan la qaatay madaxweynaha Soomaaliya.

Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa bartiisa Facebook kusoo qoray in madaxweynaha Soomaaliya uu kala hadlay arimo dhowr ah, balse ma uusan cadeyn waxyaabaha ay ka wada hadleen.

“Waxaan caawa la kulmay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mohamed Abdullahi Farmajo kadib maalmihii lasoo dhaafay oo aan Dalka uga maqnaa cumro, waxaana maalmaha soo socda dib ugu noqon doonaa Deegaanada Hirshabelle”ayuu yiri guddoomiye Cusmaan.

Balse Caasimada Online ayaa ogaatay in guddoomiyaha baarlamaanka uu madaxda dalka kala hadlay sidii looga caawin lahaa daminta xiisadda cusub ee ka dhex dhalatay baarlamaanka Hirshabeelle.

Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa doonaya dhaqaalo uu ku kala furfuro xildhibaanada baarlamaanka Hirshabeelle ee sida weyn u mucaaraday fariin uu dhawaan u diray oo ku aadaneyd inay fasax ka yihiin kulamada baarlamaanka.

Guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka Hirshabeelle iyo xildhibaano badan ayaa shaaciyay inay guddoon cusub dooran doonaan haddii uusan si dhaqsi ah ugu laaban magaalada Jowhar.

Guddoomiyaha baarlamaanka Hirshabeelle ayaa saaxiib dhow la ah madaxda Nabad iyo Nolol.

labo.jpg afar.jpg

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this