Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Turkiga Oo Ku Baaqay In Dowlada Masar Maxkamad Caalami Ah Loo Soo Taago Geerida Mohamed Morsi.

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Ankara)-Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa ku baaqay in Maxkamad caalami ah loo soo taago dowlada Masar geerida Madaxweynihii hore ee dalka Masar Mohamed Morsi.

1024x538_345693-1024x538.jpg

Erdogan ayaa sheegay inuu sameyn doono wax walba oo suurtogal ah sidii maxkamad caalami ah ay u qaadi lahayd geeridii Morsi,isagoo ugu baaqay Ururweynaha Islaamka inuu qaado tallaabo.

Hoggaamiyaha dalka Turkiga Erdogan ayaa ku tilmaamay Morsi inuu yahay Shahiid isagoo xusay inuusan aaminsanayn in Morsi uu u dhintey si caadi ah.

Erdogan ayaa taageeray dowladii Morsi oo muddo gaaban shaqeyneysay waxayna taageerayaal iyo qaar ka mid ah xubnaha xisbiga Ikhwaanul Muslimiinta ay u carareen dalka Turkiga kadib markii laga mamnuucay dalka Masar.

Sidoo kale Erdogan ayaa sheegay in arrinta Morsi uu ku soo qaadi doono shirweynaha madaxda G20 ee dhamaadka bishan ka dhici doona dalka Japan.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this