Sign in to follow this  
Deeq A.

Yuusuf Garaad oo dowladda federaalka ah ku weeraray warqaddii ay soo saartay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) ― Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar ayaa ka hadlay War-saxaafadeed ay Wasaaradda Arrimaha Gudaha,Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka ay ka soo saartay Doorashooyinka Baarlamaanka iyo Madaxda Dowlad Goboleedka Galmudug.

Yuusuf Garaad ayaa waxa uu sheegay in uu bogaadin lahaa haddii Dowladda Federaalku ay hal Warqad ku xalin kareyso muranka kala dhaxeeya Maamul goboleedka Galmudug iyo weliba muranka ka dhex-taagan gudaha maamuladaasi.

Hadalka Yuusuf Garaad ayaa u muuqda mid uu ku dhaliilayo sida ay xukuumada Farmaajo maaro ugu weyday xalinta khilaafka kala dhaxeeya maamul goboleedyada dalka.

Yuusuf Garaad ayaa arrintan kaga hadlay qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook, wuxuuna u dhigna sidan:

Waan bogaadin lahaa Dowladdu haddii muranka iyada kala dhexeeya Galmudug iyo Jubbaland, iyo muranka mid kastaba gudaheeda ka jira ay ku xallin kari lahayd hal warqad oo ka soo baxday caasimadda.

Laakiin waxaan markaas Dowladda ku dhaliili lahaa soo daahidda waraaqda.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this