Sign in to follow this  
Deeq A.

Kenya oo qaaday tallaabo muujineysa in xaalka kiiska badda aad ugu xun yahay

Recommended Posts

Deeq A.   

Jabuuti (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda Kenya, Monica Juma ayaa booqasho ku tegtay magaalada Jabuuti ee caasimadda dalka Jabuuti, halkaasi oo ay kula kulantay madaxweynaha dalkaas Ismaacil Cumar Geelle.

Ka sokow xiriirka labada dal iyo arrimaha u dhaxeeya, labada dhinac ayaa sidoo kale xiisadda u dhaxeysa Kenya iyo Soomaaliya ee ka dhalatay badda Soomaaliya ee Kenya ay sheeganeyso.

Wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti, Maxamed Cali Yuusuf ayaa warbaahinta u sheegay in Monica Juma iyo Ismaaciil Cumar Geele ay soo hadal qaadeen muranka badda ee ka dhex oogan Soomaaliya iyo Kenya.

Si kastaba, wasiirka ayaan wax faah-faahin ka bixin wixii labada mas’uul ay iska yiraahdeen arrintan.

Si kastaba, Ilo xog ogaal ah ayaa Caasimada Online u sheegay in Monica Juma ay Ismaaciil Cumar Geelle gaarsiisay farriin ka timid madaxweyne Uhuru Kenyatta oo uu Geelle kaga codsaday inuu Soomaaliya ku cadaadiyo inay aqbasho wada-hadal.

Arrintan ayaa imanaysa ayada oo sidoo kale dowladda Kenya ay muranka badda hor dhigtay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey si xaaladda ay usoo farageliso.

Kenya ayaa u muuqata mid naf la caari ah oo albaab kasta garaacaysa hase yeeshee weli kari la’ inay Soomaaliya ku qasabto inay ka laabato kiiska horyaalla maxkamadda ICJ.

Maxamed Caalin oo ah aqoonyahan soomaaliyeed ayaa sheegay in Kenya ay dooneyso inay ka faa’deysto kala qeybsanaanta iyo xasilooni la’aanta ka jirto Soomaaliya si wadahadal looga gaaro muranka badda.

“Kenya waxaa ilaa hadda ka dhaadhaacsan in muranka lagu xallin karo wadahadal” ayuu yiri Maxamed Caalin.

“Kenya waxaad mooddaa in xiriir uu ka dhexeeyo isdhexgal iyo xiriir qowmiyadeed.. marka Jabuuti maadama ay kamid tahay qowmiyadaha Soomaaliyeed ee Geeska Afrika, marka waxay isleedahay ama dhexdhexaad ka noqon kartaa arrinta”

Waxaa uu sidoo kale sheegay in Kenya ay dooneyso in cadaadis dhaqaale iyo mid caalami ah ay saarto dowladda Soomaaliya si khilaafka wadahadal loogu dhameeyo.

Soomaaliya ayaa ka aamusan khilaafka, waxay ka dhuursugaysaa go’aanka kasoo bixi doono maxkamadda Caddaallada Adduunka ee ICJ. 

Caasimada Online
Xafiiska Jabuuti
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this