Deeq A. Posted June 19, 2019 Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo la hadlayay Warbaahinta ayaa ka warbixiyay xiriirka haatan ka dhexeeya dowladaha Soomaaliya iyo Mareykanka. Ra’iisul wasaare Khayre ayaa sheegay in uu soo hagaagayo xiriirka labada dal, isaga oo bar bar dhig ku sameeyay, sida uu ahaa labadii sano ee la soo dhaafay. Khayre ayaa ayaa tilmaamay in iskaashi leh dhinacyo badan uu ka dhaxeeyo labada dowladood. Sidoo kale waxa uu shaaca ka qaaday in dhawaan Mareykanku uu dib u furanayo xafiisyadii uu ku lahaa Soomaaliya, xilligii dowladda dhexe ee dalka. Dhinaca kale kulan uu la yeeshay Ra’iisul wasaaruhu madax ka tirsan hay’adda USAID ayaa waxa ay kaga wada hadleen arrimo dhowr ah, sida Siyaasadda, Ammaanka iyo arrimaha Deyn cafinta Soomaaliya. Kulankan ayaa sidoo kale lagu soo qaaday, sidii loo dhaqan gelin ahaa heshiisyo horay u dhex maray labada dowladood. Mareykanka ayaa dowladda federaalka ka taageera dagaalka ka dhanka ah Al-Kooxda Shabaab, waxaana ciidamo lagu qitaaso 500 illaa 600 ay ka joogaan gudaha Soomaaliya, kuwaas oo gacan siiya Ciidamada Milatariga Soomaaliya. Sidoo kale dowladda Mareykanka ayaa inta badan duqeyn dhinaca cirkaah ka fulisa koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com Share this post Link to post Share on other sites