Deeq A. Posted June 19, 2019 Kismaayo (SMM) – Ciidamada ammaanka ee maamulka Jubbaland ayaa maanta howlgallo ka sameeyay gudaha magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Howlgallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxa ay Ciidamadu ka fuliyeen xaafado ka tirsan magaaladaasi. Saraakiil ka tirsan kuwa Jubbaland oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in u jeedka baaritaanadan ay ahaayeen kuwa lagu xaqiijinayay amniga Kismaayo. Dhinaca kale wasiirka wasaaradda amniga ee maamulkaasi C/rashiid Nuur Xasan (Janan) ayaa digniin adagay u diray Musharraxiinta ku sugan halkaasi. Wasiir Janan ayaa tilmaamay in aan loo baahneyn in Musharraxiinta ay cadow ka dhigtaan Ciidanka amniga, balse ay muhiim tahay in laga wada shaqeeyo nabad galyada. Dhawaan ayaa la filayaa in doorashada Madaxweyne iyo mida Baarlamaan ee Jubbaland ay ka dhacdo magaalo Xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. View the full article Share this post Link to post Share on other sites