Sign in to follow this  
Deeq A.

QM oo faragalineysa Muranka badda ee Soomaaliya iyo Kenya

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (SMN) – Dowladda Kenya ayaa ku dhawaaqday qaab cusub oo lagu xallinayo khilaafka xudduudaha badda ee kala dhaxeeya dalka Soomaaliya.

Kenya ayaa sheegtay inuu raadinayo faragalinta Qaramada Midoobay ee xiisadda diblomaasiyadeed ee sii kordhaysa taasoo laga baqdin qabo inay saameym ku yeelato amniga gobolka.

Sida laga soo xigtay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Kenya, Monica Juma ayaa sheegtay in dalkeeda uu u qoray warqad Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay oo ku saabsan khilaafka badda ee Soomaaliya.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa la sheegay in uu si rasmi ah ula wadaagay qoraalka Kenya 15-ka xubnood ee Gollaha amaanka, iyadoo lagu soo daray ajandaha uu ka doodayo.

“Labo todobaad ka hor, arrinta (muranka badda xudduudaha), ayaa waxaa saxeexay Xoghayaha Guud ee QM  maadaama muranka uu khatar ku keeni karo nabadda iyo ammaanka gobolka,” ayay tiri Juma.

Bishii Febraayo ee sanadkan, Kenya waxay u yeertay safiirkeeda Soomaaliya, iyada oo sheegtay in ay ka soo horjeesatay Shirkii London, ee lagu soo bandhigay macluumaad la xiriira sahmin lagu sameeyay goobaha shidaalka uu ku jira ee xeebaha Soomaaliya.

Sanadkii 2014-kii Soomaaliya ayaa dacwad ku aadan muranka xuduuda badda u gudbisay Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaalada taasoo lagu wado inay dhawaan go’aan kazoo sartay kiiskan.

Sannadkii 2017, Soomaaliya waxay ku guuleysatay kiiskii ugu horreeyay ee dacwadda badda ee hortaalla Maxkamadda ICJ.

Soomaaliya waxay dooneysaa in maxkamadda ICJ ay go’aamisay muranka badda ee kala dhaxeeya dalka Kenya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this