Sign in to follow this  
Deeq A.

Fiqi iyo Mahad Salaad oo jawaab isku mid ah ka bixiyey go’aanka ay shaacisay DF

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan xubnaha golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka horyimid War-Saxaafadeed ay wasaaaradda arrimaha gudaha Xukuumadda Soomaaliya ka soo saartay arrimaha doorashooyinka ee maamulka Galmudug.

Xildhibaan Mahad Salaad oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Facebook ayaa sheegay in warka ka soo baxay wasaaradda uusan laheyn sal sharci ah oo la daliishado.

Waxa uu tilmaamay in Galmudug ay leedahay Dastuur gaar ah, madax la doortay iyo maamul lagu heshiiyay.

Sidoo kale waxa uu carabka ku dhuftay in dowlad goboleedyada dalka ay xaq u leeyihiin in ay ku dhaqmaan awoodahooda, inta laga gaarayo is waafajinta Dasuurka ay gaarka u leeyihiin iyo kan dowladda dhexe oo uu xusay in ay ku cadahay qodobka 42-aad ee Dastuurka KMG.

Mahad Salaad ayaa intaasi ku daray in Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan wasaaradda arrimaha gudaha aysan door toos ah iyo mid dadban ku laheyn faragalinta doorashooyinka dowlad goboleedyada hoos yimaada dowladda dhexe ee Soomaaliya.

“Wasaaradda arrimaha gudaha ee Xukuumadda Federaalka door toos ah iyo mid dadban midna kuma lahan faragelinta doorashooyinka dowlad goboleedyada, War-Saxaafadeedka xalay saqdii dhaxe ka soo baxayna malahan wax sal sharci ah oo la daliishado” ayuu yiri Xildhibaan Mahad Salaad.

Dhankiisa Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka mid ah mudanayaasha golaha shacabka Soomaaliya ayaa war ka soo saaray qoraalka wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Soomaaliya.

Fiqi ayaa marka hore ku tilmaamay warqadda ka soo baxday wasaaradda wax loo yaqaano yac-yacood oo dhexeeya bisayl iyo cayriin, sida uu hadalka u dhigay.

Waxa kale uu xusay in aysan u cuskan qodob Dastuuri ah, islamarkaana ay ka gaabiyeen sanad iyo barkii la soo dhaafay khilaafkii ka taagnaa Galmudug.

“Warqaddan ka soo baxday wasaaradda arrimaha gudaha waa mid hareermarsan dastuurka dalka, sidaas ayayna wax kama jiraan ku tahay, tallaabo kasta oo damaca Farmaajo lagu fuliyana waa uun wax bulshada Galmudug sii kala qaybinaya, oo aan lagu gaari doonin u jeedooyinka gurracan ee laga leeyahay” Ayuu yiri Xildhibaan Fiqi.

Ugu dambeyn waxa uu ugu baaqay Galmudug in ay ka tashato madax uu ugu yeeray in ay kala qeybiyeen, iskuna direen mas’uuliyiinta maamulkaasi.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this