Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo shaacisay in Viso lagu soo galayo deegaanadeeda

Recommended Posts

Deeq A.   

Garowe (SMN) – Wasiir ku xigeenka wasaaradda amniga Puntland Yuusuf Maxamed Ismaaciil oo la hadlayay Warbaahinta ayaa sheegay in Viso lagu soo gali doono haatan wixi ka dambeeya deegaanada maamulkaas.

Wasiir ku xigeenka ayaa shaaciyay in la qaban doono cid kasta oo Viso la’aan ku soo gasha gudaha Puntland, islamarkaana sharciga lala tiigsan doono.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in ay ka hortagi doonaAn tahriibka sharci darrada ah iyo kooxaha ka shaqeeya.

Muddooyinkii la soo dhaafay deegaannada Puntland ayaa waxaa ku soo badanayay tahriibayaasha ka imaanaya koonfurta Soomaaliya iyo gudaha dalka Ethiopia kuwaasi oo inta badan uga sii gudbaya dhinaca dalalka Yemen.

Hadalkan ka soo baxay Puntland oo ah maamul hoostaga dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dad badan la yaab ku noqday, iyada oo la’is weydiinayo, sida uu ku dhaqan gali karo go’aankaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this