Deeq A. Posted June 19, 2019 Kampala (Caasimada Online) – Dowladda Uganda ayaa faah faahin dheeri ah ka bixisay sarkaal ka tirsanaa Ciidamadeeda oo dhawaan isku dilay magaalada Muqdisho, kadib markii uu toogtay Askari kale oo ay Saaxibo ahaayeen. Richard Karemire afhayeenka ciidamada difaaca Uganda oo la hadlay shabakadda wararka ee Edge.ug ayaa sheegay falkaasi todobaadkan gudihiisa uu ka dhacay xarun ciidamada AMISOM ay ku leeyhiin gudaha magaalada Muqdisho. Afhayeenka ayaa tilmaamay in sarkaalka is dilay lagu magacaabi jiray Edward Ssebagala, sidoo kalena askariga uu dhawaacay oo Haweeney ah lagu magacaabo Jackie Nabifo Sidoo kale Mr Karemire ayaa tacsi u diray Ehellada sarkaalka is toogtay, halka uu caafimaad deg deg ah u rajeeysay Haweenyeda dhaawaca ah oo ka mid aheyd ciidamada AMISOM ee howlgalka nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya. Ma shaacin afhayeenka ciidamada difaaca Uganda sababta rasmiga ah ee ka dambeysa dhacdadan, balse waxaa uu xusay in uu jiray xiriir ka dhexeeyay askartaasi. Muddooyinkii la soo dhaafay ayaa waxaa soo badanayay dilalka ay dhexdooda isu geysanayaan ciidamada ka socda dalalka Midowga Africa, iyadoo bishii la soo dhaafay ee May Xerada Xalane ee magaalada Muqdisho lagu dilay 4 ka tirsanaa ciidamada AMISOM, kadib uu iska hor imaad ku dhexmaray gudaha Xeradaasi. Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com Share this post Link to post Share on other sites