Deeq A. Posted June 19, 2019 Muqdisho (Caasimada) – Shirka amniga Caasimada oo xalay lagu qabtay xarunta taliska qeybta guud ee Booliska gobolka Banaadir ayaa waxaa looga hadlay amniga guud ee magaalada Muqdisho. Kulanka ayaa waxaa shir guddoomiyay guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yariisow), waxaana ka qeyb galay ku xigeenkiisa amniga iyo siyaasadda Maxamed Cabdullaahi Tuulax, taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed Bashiir Cabdi Maxamed (Americo) iyo saraakiil kale. Intii uu socday shirka ayaa waxaa diirada lagu saaray, sida loo xoojin karo ammaanka iyo howlgallada weli ka socda degmooyinka gobolka Banaadir. Sidoo kale kulanka oo saacado badan qaatay ayaa la isla gartay in ay si wadajir ah u shaqeeyaan laamaha amniga iyo maamulada degmooyinka, iyaga oo kaashanaya shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho. Guddoomiye Yariisow oo madasha ka hadlay ayaa amray saraakiisha Booliska in la xoojiyo amniga iyo sidoo kale howlgallada ka socda Caasimadda. Duqa Muqdisho ayaa sidoo kale intaasi ku daray in uu jiri doono isla xisaabtan adag oo uu wado maamulkiisa. Shirarka looga hadlayo amniga ayaa muddooyinkii dambe si aad ah loo joogteeyay, si looga hortago falalka liddiga ku ah nabad galyada. Weli Kooxda Al-Shabaab ayaa weeraro ka fulisa gudaha Caasimada, waxaana ugu dambeeyay qaraxyadii sabtidii ka dhacay isgoysyada Sayidka iyo KM4 ee magaalada Muqdisho. Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com Share this post Link to post Share on other sites