Deeq A. Posted June 19, 2019 Muqdisho (SMN) – Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa loogu magacaabay Mudane Cabdullaahi Sheekh Cabdikariim Yuusuf inuu noqdo Ku Xigeenka Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka. “Waxaan Eebe uga baryaynaa inuu u fududeeyo waajibaadka shaqo ee loo igmaday” ayaa lagu yiri Digreetada ka soo baxday xafiiska Madaxweyne Farmaajo. Dhawaan ayey aheyd markii Dr Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade) loo magacaabay agaasimaha guud ee Villa Soomaaliya. View the full article Share this post Link to post Share on other sites