Deeq A. Posted June 19, 2019 London (SMN) – C/laahi Nuur Xaashi oo ah Aqooyahan Soomaaliyeed oo ku nool magaalada London ee cariga Ingiriiska ayaa ka hadlay u jeedada ka dambeysa damaca Kenya ay ka leedahay biyaha Soomaaliya oo ay haatan dacwadoodu hortaallo maxkamadda caalimiga adduunka ee ICJ. Aqooyahanka ayaa sheegay in Kenya ay ogaatay, kadib sahmin ay sameysay Kheyraadka faraha badan ee ku jira Badda Soomaaliya. Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray in Shidaalka dabiiciga ah ee ku jira biyahan uu ka fudud yahay marka la soo saarayo kan bariga, taasina ay qeyb ka tahay waxa Kenya ku riixaya sheegashada biyaha Soomaaliya. Dhinaca kale C/laahi Nuur Xaashi oo hadalkiisa sii wata ayaa hoosta ka xariiiqay in dowladda Kenya looga guuleysan doono Kiiskan, sababo uu ku sheegay in dalalka caalamku ay ka warhayaan naqshada biyaha u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya. Ugu dambeyn Aqooyahan C/laahi Nuur Xaashi ayaa carabka ku dhuftay xittaa, hadii ICJ ay Soomaaliya u xukunto biyahaasi ay ka soo horjeesan doonto, laakiin diidmadaasi aysan soo kordhin doonin wax faa’ido ah. Dowladda Soomaaliya oo kalsooni buuxda ku qabta ka guul gaarita kiiskani ayaa horay u shaacisay in aysan wax gorgorton ah la gali doonin dolwadda Kenya, illaa ay go’aan rasmi ah ka soo saareyso Maxkamadda ICJ. View the full article Share this post Link to post Share on other sites