Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland: Dalkan Puntland waxaa lagu soo geli karaa waa fiiso

Recommended Posts

Deeq A.   
Yuusuf-Maxamed-Ismaaciil.jpg?w=1000&ssl=Wasiir ku xigeenka Amniga Puntland Yuusuf Maxamed Ismaaciil

Xukuumadda Puntland ayaa ku dhawaaqday in aysan ogolaan doonin cid dambe oo fiiso la’aan ku soo gasha gudaha Puntland.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda Amniga iyo DDR-ta Puntland Yuusuf Maxamed Ismaaciil oo la hadlay warbaahinta dowladda (PLTV) ayaa shaaciyay in la qaban doono cid kasta oo fiiso la’aan ku soo gasha gudaha Puntland islamarkaana sharciga lala tiigsan doono.

“Dalkan Puntland waxaa lagu soo geli karaa waa fiiso,cid kasta oo tahriib iyo sharci –darro ku soo gasha dalka Puntland waa la qabanayaa maxkamad baana la horkeenayaa” ayuu yiri wasiir ku xigeenka Amniga Puntland.

Hadalka wasiirka ayaa ku soo beegmaya xilli degaannada Puntland ay ku soo badanayan tahriibayaasha ka imaanaya koonfurta Soomaaliya iyo gudaha dalka Ethiopia kuwaasi oo qaarkood u sii gudbaan dhinaca dalalka Carabta.

Halkan hoose ka daawo hadalka wasiirka

PUNTLAND POST

The post Puntland: Dalkan Puntland waxaa lagu soo geli karaa waa fiiso appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this