Sign in to follow this  
Deeq A.

Kenya oo qorshe Cajiib ah u dageysa Sidii DF u joojin laheyd dacwadda dhanka Badda

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Golaha amaanka ee Qaramada midoobay ayaa lagu waramayaa in ajandayaasha kulamadooda soo socda ay qeyb ka yihiin murunka dowladda Kenya ay gelisay badda Soomaaliya.

Dowladda Kenya ayaa lagu waramayaa inay markaan dadaal badan u gashay sidii kiiska kala dhaxeeya dowladda Somalia ay geysto golaha amaanka ee Qaramada Midoobay.

Kenya ayaa ku dacwooneysa in haddii dowladda Somalia ay ku guuleysato dacwadda dhanka badda inay saameyn ku yeelan doonto dalalka ku yaala bariga iyo koofurta Africa,sida ay sheegtay Kenya.

Wasiirka arrimaha dowladda Kenya Monica Juma ayaa shaacisay inay ku faraxsan yihiin qaramada Midoobay inay soo farageliso dacwadda u dhaxeyso dowladaha Kenya iyo Soomaaliya.

Waxaa ay sheegtay Monica in haddii ICJ ay Soomaaliya u xukunto biyaha hadda ay kenya doodda gelineyso in ay is qabsan doonaan Kenya iyo Tanzania, Tanzania iyo Mozambique, Mozambique iyo Koofur Afrika.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey António Guterres, ayaa si aan rasmi ahayn kulanka Golaha amaanka ee Qaramada Midoobey ku soo hadal qaaday muran badeedka Kenya iyo Soomaaliya,waxaana goluhu ku darsadeen ajendayaasha ay ka doodayaan.

Golaha amaanka ayaa hadda ajandayaashooda ku darsaday kiiska dacwadda dhanka badda, waxaana la ogeyn waxyaabaha ay kasoo saari doonaan haddii ay ka hadlaan kiiska labada dowladood.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this