Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiir ka tirsan Puntland oo lagu eedeeyay in uu ka dambeeyo khal-khal gelinta amniga Boosaaso

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddiga amniga golaha wakiilada Puntland ayaa si adag u dhaliilay wasaaradda amniga Puntland oo uu ku eedeeyay fulin-la’aan iyo wada’shaqeyn xumo.

Warbixin uu guddigu ka hor-jeediyay golaha wakiilada Puntland ayuu ku sheegay  in wasaraddu aysan fulin qorshe ka kooban 10 qodob oo ku aaddanaa sugidda amniga Puntland.

Qodobada ay fulin wayday wasaaraddu ee guddigu xusay waxaa kamid ah la’dagaallanka argagixisada diiwaan-gelinta ciidamada iyo dhaqan-celinta xoogaga ka soo xerooda argagixisada.

Guddiga ayaa sidoo kale sheegay in wasaaraddu ay soo gudbin wayday warbixin tixraac leh oo ku saabsan amniga iyo nabadgelyada Puntland islamarkaana wasiirka wasaaraddaasi uu ka baaqsaday  in uu horyimaado golaha.

Sidoo kale guddiga ayaa wasaaradda  ku eedeeyay in ay dayacaday difaaca xuduudaha Puntland gaar ahaanna degaannada ay Somaliland ku soo duushay oo ay sheegeen in wasaaraddu fulin wayday qorshihii u degsanaa difaaca degaannadaasi.

Guddiga amniga golaha wakiilada Puntland waxa kale oo uu wasiirka amniga Puntland ku eedeeyay wada’shaqeyn xumo iyo in uuu jebiyay qodoba kamid ah Dastuurka Puntland islamarkaana askareeyay dhalinyaro khal-khal gelin ku haya amniga Boosaaso.

Sida guddigu sheegayo wasaaraddu waxa kale oo ay qaadda lacag sharci-darro ah oo aan waafaqsaneyn nidaamnka maaliyadda Puntland.

Ugu dambeyntii warbixinta guddiga ayaa lagu sheegay in Somaliland isu diyaarinayso dagaal ay ku soo qaaddo degmooyinka Badhan iyo Dhahar ee gobollada Sanaag iyo Hayland.

Hoos ka akhriso warbixinta guddiga

IMG_20190619_064702_493.jpg?fit=1000%2C9 IMG_20190618_162808_364.jpg?fit=1000%2C1 YAAH.jpg?resize=1000%2C1333&ssl=1 IMG_20190619_064952_541.jpg?fit=1000%2C6 IMG_20190618_160706-1.jpg?fit=1000%2C133

PUNTLAND POST

The post Wasiir ka tirsan Puntland oo lagu eedeeyay in uu ka dambeeyo khal-khal gelinta amniga Boosaaso appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this