Sign in to follow this  
Deeq A.

Farmaajo: Hal milyan ayaa iiga baxda W/Warfaafinta sanad kasta, warbaahinta kalena kuma tayo dhama

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa cadaadis xoog leh saaray Shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya waxaana soo baxaya warar dheeraad ah oo ku saabsan kulamo dhax-maray Wasiirka Warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir Maareeye iyo Madaxweyne Farmaajo.

Kulankaan oo dhacay agagaarka markii Wasiirka Warfaafinta loo magacaabay Xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa hadda banaanka u soo baxay waxa uuna ku saabsanaa sababta Radio Muqdisho, Teleshinka Qaranka iyo Wakaaladda Wararka Qaranka ee SONNA aysan tayo ugu dhameyn warbaahinta kale ee madaxda banaan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Wasiir Maareeye u sheegay in Wasaaradda Warfaafinta ay tahay wasaaradda ugu shaqaalaha badan islamarkaana ay joogaan dadka kaliya ee ku cabiran ama wax ka gala shaqadooda laakiin ay tahay Wasaaradda ugu liidato markii loo eego wasaaradaha kale.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Wasiirka Warfaafinta ku yiri hadal uu hore u dhow Eng Yariisow markii uu ahaa Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya kaas oo ahaa “Sanadkii hal milyan ka badan ayaa iga-gasha wasaaradda tayana kuma dhama warbaahinta madaxa-banaan sababta haley sheego”.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in wasaaradda ay joogaan wariyaal tayo leh oo qaata mushaar ku filan bil kasta laakiin aysan shaqo qaban isagoo dalbaday in la soo gudbiyo wariyaasha shaqeeya iyo kuwa maqan.

“Radio Kulmiye, Goobjoog iyo Universal TV tayo kuma dhama Radio Muqdisho iyo SNTV lacagta aan bixiyana ma laga bixiyo kuwaas wasiir maxaa qaldan” ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo

“Caasimada Online iyo Website-ka Jowhar aqris kuma dhama SONNA oo ah Wakaaladii Qaranka, waxaas looma dulqaadan karo” ayuu yiri Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan gaar ah la qaatay Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in markii la gaaro 2020-ka ay dowladda Soomaaliya dooneyso fariimaha wacyi gelinta doorashada iyo dhamaan barnaamijyada kale ee quseeyo isbadalka cusub ay doonayaan in ay marsiiyaan Warbaahinta Qaranka islamarkaana aysan dooneyn in ay u baahdaan Warbaahinta Madaxa-Banaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this