Sign in to follow this  
Deeq A.

DF oo iclaamisay Shirweyne dib u heshiisiin oo loo qabanayo dadka dega deegaanada Galmudug.

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasaaradda Arrimaha Gudaha ,Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka ayaa War-saxaafadeed ka soo saartay Doorashooyinka Baarlamaanka iyo Madaxda Dowlad Goboleedka Galmudug.

Wasaaradda ayaa sheegtay in dhawaan la qaban doono kulan dib u heshiisiin ah oo la isugu keenayo Beelaha dago Galmudug isla markaasna laga tashan doono qaabka loo wajahayo Doorashada cusub.

Wasaaradd ayaa sheegtay inay muhiim tahay in la tixgeliyo xilli waqtiyeedka madaxda Galmudug 4/7/2019 loona diyaar garoobo Doorashada cusub oo la doonayo inay noqoto mid xalaal ah.

Hadaba Halka Hoose ka Akhriso War-saxaafadeedka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS.

Wasaaradda Arimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo gudanaysa waajibaadka dastuuriga ah ee kaga aaddan hirgelinta doorashooyinka barlamaanka iyo madaxda Galmudug waxaa ay ugu baaqaysaa Madaxda Dawlad Goboleedka Galmudug in doorashooyinkaas lagu qabto muddadii loo asteeyey, si loo xaqiijiyo hannaan doorasho oo hufan, kana tarjumaya dimuqraadiyadda iyo tartanka furan ee ay ku tilmaaman tahay Galmudug.

Wasaaradda Arrimaha Guduha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta iyadoo garoowsan muhimadda uu leeyahay wade tashiga iyo midnimada bulshada deegaannada Galmudug, waxa ay ku baaqeysaa shir dib u heshiisiineed oo ay isugu yimaadaan dhammaan vvaxgaradka iyo hoggaanka dhaqanka Galmudug oo lagu xalliyo arrimaha DG-leedka Laguna magacaabo Guddi Farsamo oo daadihiya qaban qaabada shirkaas.

Wasaaradda Arrimaha Guduha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta oo tixgelinaysa muddada xil-haynta dastuuriga ah ee Madaxda Galmudug oo ku eg 4ta Luuliyo 2019, waxa ay soo jeedinaysaa in si deg deg ah loog wada shaqeeyo dhammeystirka hannaanka dimuqraadiyadeed ee doorashada iyo in ay ku qabsoonto nabad iyo hufnaan.

Ugu dambayntii, waxaa bogaadin mudan dadaallada wade jirka eh ee bulshada iyo waxgaradka Galmudug ay ku bixinayaan horumarka iyo xaqiijinta himilooyinkooda ku aaddan Galmudug horumarsan oo uu ka jiro nidaam hana qaad ah.

62cf3ed3-f6af-48e3-a432-29d2518672a0.jpg

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this