Deeq A. Posted June 18, 2019 Muqdisho (Caasimada Online) – Sarkaal ka tirsanaa Ciidamada Midowga Africa ee AMISOM, gaar ahaan kuwa Uganda ayaa isku dilay magaalada Muqdisho, sida ay xaqiijisay Wasaaradda Gaashaandhigga ee dalkaasi. Wararka ayaa sheegaya in sarkaalkan uu is dilay, kadib markii uu toogtay Askari kale oo ay Saaxibo ahaayeen, kana wada tirsanaayeen howlgalka AMISOM ee Soomaaliya. Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga dalka Uganda Richard Karemire ayaa xaqiijiyay warkan, waxaana uu sheegay in haatan ay wadaan baaritaan ku aadan dhacdadaasi. Lama shaacin illaa iyo hadda magaca sarkaalkan iyo sidoo kale askariga uu dilka u geystay. Ma’ahan dhacdadan mid ku cusub AMISOM, balse marar badan ayaa la soo wariyay sheekooyin ceykan oo kale ah. Bishii May ee la soo dhaafay ayey aheyd markii Xerada Xalane ee magaalada Muqdisho lagu dilay illaa afar askari oo ka tirsanaa Ciidamada Uganda ee qeybta ka ah AMISOM, kadib marii uu dhexmaray iska hormaad kooban. Ma jiro weli war rasmi oo AMISOM ay ka soo saartay dilkan, marka laga tago hadalka kooban ee ka soo baxay dowladda Uganda. Taliska AMISOM ayaa inta badan qariya xaqiiqada iyo dhibaatootinka jira howlgalkooda, sababo Milatari darteed, taas oo mararka qaar keenta in Warbaahinta aysan xog badan ka helin waxa ka dhacaya Xeryahooda. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com Share this post Link to post Share on other sites