Sign in to follow this  
Deeq A.

Waare oo bixiyey diyada taliyihii lagu dilay Hiiraan

Recommended Posts

Deeq A.   

Beledweyne (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka HirShabelle, Maxamed Cabdi Waare ayaa bixiyay diyada taliyihii qeybta Booliska gobolka Hiiraan Gaanshaanle Dhexe Maxamed Macow oo dhawaan lagu dilay dagaal ka dhacay deegaanka Kala-bayr ee gobolkaasi.

Taliyaha ayaa ku dhintay iska hor imaad dhex maray ciidamo ka tirsan kuwa  maamulka HirShabelle iyo maleeshiyaad taabacsanaa guddoomiyihii xilka laga qaaday ee Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed).

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Madaxweyne Waare ayaa shalay bixiyay diyada marxuumka, waxaana uu ku wareejiyay odayaal ka socda ehelladiisa.

Dhinaca kale, wararka ka imaanaya Beledweyne ayaa ku warramaya in ay fashilmeen kulamadii ka socday magaaladaasi ee lagu xalinayay xiisada maamul ee ka taagan gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

Kulamadan oo ay wadeen Odayaasha Dhaqanka, Xildhibaano iyo Wasiiro, laguna dhex dhexaadinayay HirShabelle iyo Yuusuf Dabageed ayaa la sheegay in lagu kala booday.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Dabageed uu diiday in uu sameeyo wax tanaasul ah, islamarkaana uu aqbalo xilka qaadistii lagu sameeyay, taas oo keentay in is mari waa ay ku soo dhammaadaan kulamadaasi.

Sidoo kale, warar kale oo aan helnay ayaa ku warramaya in dhankiisa Madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabelle uu ka biyo diiday qodobada qaar, gaar ahaan in uu ka laabto go’aankiisii hore ee xilka qaadista.

Xiisada ayaa haatan sii xoogeysaneysa, waxaana jirin isku soo dhawaansho labada dhinac ah.

Dowladda Soomaaliya oo guddi uu saartay arrintan ayaa waxaan weli muuqan dadaalkii looga baahnaa ee ka hortaga xiisadaasi.

Xaaladda Beledweyne ayaa hadda marka la’eego waxa ay tahay mid kacsan, waxaana saacadihii la soo dhaafay Ciidamada AMISOM, gaar ahaan kuwa Jabuuti ay bilaabeen in ay isaga baxaan magaaladaasi.

Ciidamada ayaa si shalay, illaa maanta si tartiib tartiib ah u baneynaya fariisimo ay ku leeyihiin gudaha magaalada Beleweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this