Sign in to follow this  
Deeq A.

Suldaan Maxamed Xirsi Qani oo taageeray shirka Garxajis iyo Habarjeclo sheegayna in ay ogaayeen

Recommended Posts

Deeq A.   

Suldaan Maxamed Xirsi Qani oo ka mid ah salaadiintiinta Habaryoonis ayaa daboolka ka qaaday in shirka beelaha West Burco Clan iyoHabarjeclo uu ahaa mid qoshaysan oo soo bilaabmay sanadkii hore badhatamihisa, waxna uu shirkani ka dhashay ayuu yidhi xiligii lagu jiray shirkii heshiisiinta Ceelafweyn ooo uu sheegay in uu hindisahiisa uu lahaa suldaan Maxamed Guuleed oo ka mid ah salaadiinta East Burco Clan oo walibana uu raaciyay in ay dhigayaan gogosha shirkaasi.

Suldaan Maxamed Xiirsi Qani waxa uu sheegay in ay aqbaleen shirkaasi oo ah mid lagu walaalaynaayo beelaha East Burco Clan iyo West Burco Clan oo meesha laga saaraayo xurguftii ay ka tagtay doorashadu, sudlaan Qani waxa uu sheegay in kulan kan la mid ah ay la yeesheen madaxweynaha oo isna meesha lagaga saaraayay xurguftii ay doorashadu ka tagtay.

Shirka East Burco Clan iyo West Burco Clan uu dhacayaa waananu la soconaa oo raali ayaanu ka nahay, mana aha mid cid lagu xumaynaayo cidna lagu fogaynaayo waxa aanu aamnisnahay in dalka oo dhan uu gaadho oo aan loo arag xumaan iyo dhib toona.

Boqor Buurmadow shirka uu ka hadlaayo uu ku saxsanaa lakiin yaan loo arkin mid mucaaridnimo oo isaga laga dhex arkaayo, isagu nalama uu joogin kolkii arinka shirka la dajinaayay uu naga maqnaa lakiin hada saxaafada ayuu ka sii daayay mana aha in anaga la noo arko in aanu isaga kula socono mucaaridnimo oo shirku yahay mid mucaarid ee waa mid isku soo dhawayn umadeen ah, hadii se loo arko mid mucaarid sababta oo ah hadalka Buurmadow waxa aamn arintaasi u aragnaa in garaadkayga lagu ciyaaraayo.

Waxana uu sheegay in ay West Burco Clan ahaan ay hada xulayaan ergadii shirkaasi uga qayb Gali lahatd

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this