Deeq A. Posted June 18, 2019 Gaalkacyo (SMN) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howlgallo Ciidamada ammaanka Puntland saacadihii la soo dhaafay ay ka sameeyeen Waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Howlgallada oo ahaa kuwa ballaaran ayaa waxa ay Ciidamadu ka fuliyeen xaafado dhorw ay oo ku yaalla magaaladaasi. Saraakiil ka tirsan kuwa ammaanka ee Puntland oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay in u jeedka howlgalladan ay ahaayeen kuwa lagu xaqiijinayay amniga, loogana hortagayay falalka ammaan dari ee mararka qaar ka dhaca halkaasi. Muddooyinkii la soo dhaafay ayaa waxaa faraha ka sii baxayay amniga Gaalkacyo, iyadoona ay ka dhaceen dilal qorsheysan oo qaarkood ay sheegteen Al Shabaab. View the full article Share this post Link to post Share on other sites