Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaan Dhakool oo warbaahinta la hadlay sheegayna in aanu Isaaq u xidhnayn Faysa Cal Waraabana Ku sheegay nin waalan Kulmiyana uu eersaday

Recommended Posts

Deeq A.   

Xildhibaan Dhakool ayaa maanta warbixin kooban ka bixiyay xadhigiisii, Iyo Qaabkii loo qabtay Iyo sidii loola dhaqmay intii uu xabsiga Ku jiray.

Xildhibaanku waxa uu sheegay in markii la qabanaayay si argagaxleh gurigiisa good habaynimo ah looga qabtay iyada oo Ramadaan ay tahay afar, waxana uu sheegay intii uu xidhnaa in si fiican loola dhaqmay, waxana uu tageerayaashiisa Iyo umadda Somaliland a u sheegay in aanu u xidhnayn reer Isaaq, Sacad Muuse Iyo cidkalana waxana uu sheegay in uu u xidhnaa 7 qof oonu carabaabin.

Waxa uu xildhibaan Dhakool mahadnaq u celiyay cidkasta oo ka damqatay xadhigiisa hadii ay yihiin golahaasha wakiilada,guurtida,hay’adaha xuquuqul iinsaanka, madasha wadatashiga oo uu ka xusay muj. Xasan Guide, waxana uu aad ugu dheeraatay mahadnaqa Xisbiga Waddani oo uu Ku tilmaamtay Xisbiga mustaqbalka Somailand.
Waxana uu shicibka ka raali galiyay oo uu eersaday codkiisii Iyo ka tirsanaantii xisbigiisii Kulmiye.

Waxana uu xildhibaanku sheegay in uu markale warbaahinta la hadli doono, isaga oo aad u amaanay sheegayna in uu Ku xidhnaa doono.

Aakhirkiina waxa uu xildhibaanku saamaxay Cid kasta oo uu wax ka tirsanaayay, marka laga reebo Faysal Cali Waraabe oo uu Ku sheegay qof waalan oo marfuucal qalin ah

La soco warka xildhibaanka oo dhamaystiran

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this