Deeq A. Posted June 18, 2019 Addis Ababa (SMN) – Allaha u naxariistee waxaa saaka magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya ku geeriyooaday Abwaan Maxamuud Cabdullahi Ciise Sangub oo ka mid ahaa Abwaanada Soomaaliyeed. Marxuumka ayaa muddooyinkiia ku xasuunsanayay magaalada Muqdisho, iyadoo markii dambe caafimaad ahaan loogu qaaday gudaha dalka Itoobiya Geerida Abwaanka ayaa waxaa Warbaahinta u xaqiijiyay qaar ka mid ah Ehelladiisa. Sangub ayaa ka mid ahaa Abwaanada Magaca dheer ku lahaa gayiga Soomaaliyeed, waxaana lagu xuuusan doonaa heeso kala duwan, gabayo iyo Ruwaayado uu sameeyay. Sidoo kale Abwaanka ayaa taariikh fog ku leh Fanka Soomaaliyeed, wuxuu ku dhashay baadiyaha magaalada dhagaxbuur dhulka Is-maamulka deegaanka Soomaalida Itoobiya, sannadkii 1944, halkaas oo uu ku barbaaray. Dadiisu markii ay shan jir gaartay ayuu Sangub ku bilaabmay u hilowga fanka, sidoo kalena ka mid ahaa Abwaanada ugu horeeya hal-abuurka Soomaalida, waxaana uu kaalin muuqata uu ka soo qaatay kobcinta Fanka Soomaalida. View the full article Share this post Link to post Share on other sites