Sign in to follow this  
Deeq A.

Nabaddoon aad u dhaliili jiray Jubbaland oo la dilay

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dilka Nabadoon Cabdiqaadir Ibraahim Xasan oo saacadihii la soo dhaafay lagu toogtay  gudaha magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Dabley ku hubeysanaa Bistoolado ayaa la sheegay in Marxuumka ay dileen, xilli uu ka soo baxay Masjid ku yaalla magaaladaasi.

Dad goobjoogayaal ah ayaa Caasimada Online u sheegay in raggii ka dambeeyay dilkaasi ay goobta isaga baxsadeen.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee Jubbaland ayaa gaaray meesha uu dilku ka dhacay, kuwaas oo baaritaano kooban ka sameeyay halkaasi.

Marxuum Cabdiqaadir Ibraahin Xasan oo si weyn looga yaqiinay gobolka Jubbada Hoose ayaa ka mid ahaa Nabadoonadii soo xulay Xildhibaanada Baarlamaanka Jubbaland.

Nabadoonka la dilay ayaa maalmihii dambe si aad ah u dhaliilayay siyaasadda maamulka Axmed Madoobe, waxaana uu ka qeyb galay shirar ka dhacay Kismaayo oo looga hadlay mustaqbalka arrimaha Jubbaland.

Kulankii ugu dambeeyay ee uu ka qeyb galay Nabadoonka ayaa ahaa mid uu musharrax Cabdirashiid Xidig isugu yeeray waxgaradka Jubbaland, kaas oo diirada lagu saaray doorashada la filayo in ay ka dhacdo maamulkaasi.

Khudbaddii uu ka jeediyay halkaasi ayaa waxa uu kaga hadlay xaaladda gobollada Jubbooyinka iyo Gedo oo uu sheegay in deegaanada qaar aan la tagi karin, gacantana ay ku hayaan Dagaalyahannada Kooxda Al-Shabaab.

Sidoo kale waxa uu ku eedeeyay maamulka hadda jira in uu fadhiid noqoday sidaa daraadeedna loo baahan in uu dhoco isbedal dhab ah.

Jubbaland ayaa lagu eedeeyaa in caburin xoogan ay ku heyso shacabka ku dhaqan deegaanadeeda, waxaana dhawaan Kismaayo lagu xiray wiil dhalinyaro ah oo lagu magacaabo Aadan Tobanle, kaas oo ka mid ah xubnaha u ololeynaya in isbedal maamul uu ka dhaco magaaladaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this