Deeq A. Posted June 18, 2019 Afgooye (SMN) – Wasiirka wasaaradda amniga Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) oo la hadlayay Warbaahinta ayaa sheegay in ay wadaan qorshe Ciidamo gaar ah loogu sameynayo gobolka Shabeelaha Hoose ee Koonfur Galbeed Soomaaliya. Wasiir Ducaale Ducaale ayaa tilmaamay in Ciidamadaasi laga qori doono deegaanada Sh/ Hoose, islamarkaana ay ka shaqeyn doonaan xasilioonida gobolkaasi. Sidoo kale waxa uu carabka ku dhuftay in dowladdu ay siin doonto tababaro gaar ah, si ay u helaan waxyaabaha ay ubaahan yihiin. Gobolka Shabeelaha Hoose oo ku yaalla K/ Soomaaliya ayaa waxaa ka jira dagaallo u dhexeeya Ciidamada Dowladda iyo Al Shabaab oo weli ku xoogan gobolkaasi. View the full article Share this post Link to post Share on other sites