Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowlada Kenya Oo Shaacisay In Aanu Dalkeeda Ka Jirin Cudurka Ebola

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Nairobi)-Dowlada Kenya ayaa ku dhowaaqday in aanu dalkeeda ka jirin cudurka Ebola kadib markii baadhitaan lagu sameeyay haweeney lagu tuhmay cudurkan uu caddeeyay in ayna qabin cudurka Ebola.

sicily-pic.jpg

Wasiirka Caafimaadka dalka Kenya Sicily Kariuki ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in haweeneyda la tuhmay ayna qabin cudurka Ebola iyo weliba cudurada kale ee dhiig baxa keena.

Haweeney 36 jir ah oo la dhigey cisbitaal ku yaalla magaalada Kericho ayaa lagu tuhmay inay qabto cudurka Ebolaha iyadoo ka soo laabatay safar ay ku tagtay dalka Uganda

“Wasaarada Caafimaadka waxa ay u xaqiijineysaa shacabka in aan diyaar u nahay sidii loogaga hortagi lahaa cudurka Ebola iyo tallaabooyin loogaga jawaabayo sidaa darted ma jiro wax cabsi ah,”ayaa lagu sheegay qoraalka ka soo baxay wasaarada caafimaadka dalka Kenya.

Dadka ku nool Kericho ayaa waxaa soo wajahay Khalkhal dhinaca caafimaadka ah iyadoo dadka ku nool deegaankaas ay wadnaha farta ku hayeen iyagoo ka baqayay in cudurka uu ku faafo magaaladaas.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this