Sign in to follow this  
Deeq A.

DEG DEG: Ciidamada Mukhtaar Roobow oo ku dhowaaqay inay hogaamiye sare ka dileen Al-Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Abal (Caasimada Online) – Maleeshiyada daacadda u ah Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur ee loo yaqaan Caaro Caaro ayaa goor dhow sheegtay inay dileen sarkaal sare oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Maleeshiyada ayaa sheegay inay weerar gaadmo ah ku qaadeen xubno sare oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo ku safrayey deegaanka Kulanjeer ee gobolka Bakool, halkaasi oo ay ku dileen dhowr maleeshiyo.

Kooxda Caaro Caaro ayaa shaacisay in dadka ay dileen uu ku jiro Maxamed Xasan Baarqab oo ahaa madaxii Zakawaatka kooxda Al-Shabaab ee gobolka.

Ma jirto ilaa iyo hadda cid si madax banaan u xaqiijin karta sheegada kooxda Roobow. Sidoo kale kooxda Al-Shabaab ayaan weli wax jawaab ah ka bixin dhacdadan.

Kooxda Caaro Caaro ee Roobow ayaa waxaa saldhig u ah deegaanka Abal oo dhowr KM u jira magaalada Xudur ee xarunta gobalka Bakool, waxaana halkaas ku sugan ku dhowaad 500 oo Askari.

Ciidamadaan oo aad u qabalabeysan ayaa wali ku sugan furimihii dagaalka iyo Jiidda hore ee aagga dagaalka kuwaas oo ku dhowaad 10 sano ka hor uu sameeyay  Sheekh Mukhtaar Roobow kadib markii uu la dagaalay Al-Shabaab.

Caasimada Online ayaa ogaatay in ciidamada Abuu Mansuur ay helaan taageero caalami ah oo dhan kasta ah, oo ay siiso dowladda Mareykanka si ay ula dagaalamaan Al-Shabaab.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Baydhaba
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this