Deeq A. Posted June 17, 2019 Baladweyne (SMN) – Wararka laga helayo gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Ciidamada AMISOM, gaar ahaan kuwa Jabuuti ay bilaabeen in ay isaga baxaan fariisimaha ay ku leeyihiin gudaha magaalada Baladweyne ee xarunta gobolkaasi. Ilo deegaanka ah ayaa Shabelle u sheegay in maanta ay arkayeen Ciidamadaasi oo ka baxaya xarun ay ku leeyhiin xaafadda Howlwadaag ee magaaladaasi. Wararka hoose ayaa intaasi ku daraya in sababta ka dambeysa arrintani ay tahay xiisada weli ka taagan gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya. Sidoo kale Ciidamada Jabuuti ayaa lagu soo warramayaa in haatan fariisimo cusub ay ka sameyteen deegaanka Ceel Gaal oo dhaca duleedka M/ Baladweyne. Muddooyinkii la soo dhaafay gobolka Hiiraan waxaa ka taagnaa xiisad ka dhalatay xilka qaadistii Yuusuf Dabageed oo ka horyimid tallaabadaasi. View the full article Share this post Link to post Share on other sites