Sign in to follow this  
Deeq A.

Somaliland oo ka hadashay Askari ka tirsanaa Ciidankeeda oo dhagax lagu dilay

Recommended Posts

Deeq A.   

Burco (SMN) – Taliye Taliye kuxigeenka Ciidanka Booliska Somaliland Cabdiraxmaan Liibaan Fooxle iyo Taliyaha Ciidanka Booliska ee gobolka Togdheer Axmed Ow Cali ayaa ka warbixiyay weerar loo adeegsaday dhagax oo lagu dilay Askari ka tirsanaa Ciidamada maamulkaasi.

Dilka askarigan ayaa ka dhacay deegaanka Fiqi Ayuub ee gobolka Togdheer, kadib markii ay isku dhaceen Boolis iyo kooxo Maleeshiyaad ah oo ku sugna halkaasi.

Taliyeku xigeenka Booliska Somaliland  ayaa sheegay in shaqaaqadu markii hore ka bilaabatay weerar maleeshiyaadka ay ku qaadeen shirkado ku yaalla deegaankaasi, kadibna Ciidanka oo ku baxay arrintaasi ay sababtay dhagax ay soo tureen kooxahaasi in Maskaxda uu kaga dhacay askari lagu Magacaabi jiray Keyse Maxamed maskaxda, sidaasina uu ugu geeriyooday.

Dhankiisa taliyaha qeybta Booliska ee gobolka Togdheere oo la hadlay Warbaahinta ayaa xusay in dhacdadan aysan aheyn mid ku cusub Somaliland, islamarkaana horay sidan oo kale loogu dilay Askar ka tirsanaa maamulkaasi.

Taliyaha ayaa ugu baaqay shacabka in ay la shaqeeyaan Ciidamada ammaanka, si looga hortagto wax kasta oo liddi ku ah nabad galyada.

Ma jirto weli cid loo soo qabtay shaqaaqadaasi, balse Ciidanka Somaliland ayaa weli baaritaano ka wada duleedka magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this